Shirkii Garowe oo natiijo la’aan ku dhammaaday

69

Garoowe – Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ku soo dhammaaday saaka natiijo la’aan shirkii muddo toddobo maalin ah uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Shirkaan oo looga arrinsanayay arrimo muhiim ah ayaa aad la isugu mariwayay qodobada la isku hayay ayaan wax natiijo ah oo la taaban karo laga gaarin intii uu socday.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa war qoraal ah uu soo saaray waxa uu eedeyn kulul ugu jeediyay dowladda Federaalka in ay shirka xagal daacisay sida war ka soo baxay lagu sheegay.

Shirkaan oo la filayay in lagu gorfeeyo arrimo ay ka mid yihiin xeerka doorashooyinka ee 2021, dib eegista Dastuurka, maqaamka caasimadda Muqdisho, khilaafka madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo arrimaha dib u habaybta amniga ayaa lagu kala dareeray iyadoo aan wax heshiis ah laga gaariin qodobadaas.

Waxaa saaka ka dhoofay garoonka magaalada Garoowe madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo u kala duulay Kismaayo iyo Nairobi.

Waxaa sidoo kale la filayaa in madax dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan ilaa maanta ama galabta.

SHARE