Beirut – Shirka dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada dalalka Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut, kaasi oo ay hareeyeen khilaafyo siyaasadeed iyo ka qaybgal la’aan madaxda Jaamcadda Carabta ah, kuwaasi oo intooda badan daqiiqadii ugu dambeysay ay shir ka baaqdeen.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaray ganacsiga xorta ah iyo arrimaha qaxootiga reer Suuriya.
20-ka dal ee shirkaan ka qeybgalay ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban 29 qodob oo ku saabsan waxyabihii shirka looga hadlay oo ay ka mid tahay in la sameeyo aag ganacsi oo xor ah oo Jaamacadda Carabta ah iyo dhaqaale loo aruurinayo dalalka martigelinaya qaxootiga Suuriya. Dowladaha xubnaha ka ah ayaa waxa ay taageereen sidoo kale mudnaanta Maaliyadeed ee Soomaaliya ee lagu qeexay ajandaha shirka kaas oo ay ku jirto taageerada deyn cafiska.
1/2: Shirkii Jaamacadda Carabta ee #Beirut ayaa si guul ah ku soo dhammaaday. Dowladaha xubnaha ka ah waxa ay taageereen mudnaanta Maaliyadeed ee Soomaaliya ee lagu qeexay ajandaha shirka kaas oo ay ku jirto taageerada deyn cafiska. pic.twitter.com/lq0wlr1gYz
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) January 20, 2019
Shirkaan ayaa dhacaya iyadoo Lubnaan ay ka jirto xasillooni iyo dhaqaale aan degayn oo sii kordhaya, taasi oo martigelinaysa boqolal Kun oo qaxooti kala yimid Suuriya iyo Falastiin.
Kulanka dhaqaaluhu wuxuu bilow u yahay shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Tunisia bishii Maarso ee sanadkii hore.
Amiir dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa ka tagay magaalada Beirut saacado kooban ka dib markii uu ka qayb galay shirka. Amiirka Qatar ayaa ahaa Hoggaamiyaha labaad oo dalalka Carabta ka yimid oo shirka ma qeybgalay.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz ayaa ahaa Hoggaamiyaha labaad ee dalal Carabta ka yimid shirkaan. Dalalka kale waxa ay shirkaan u soo direen Ra’iisul Wasaarayaal iyo Wasiir arrimo dibaddeed in ay ku matalaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka mid ah madaxda shirkaan in ay ka qeybgalaan la filayay ayaa ka baaqday, waxaana ku matalayay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.
Dalalka Khaliijka oo ay hormuud u tahay Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray sanadkii 2017-ka dalka Qatar iyagoo xayireed dhaqaale iyo mid hawada ahba ku soo rogay taasi oo si wayn u samaysay dhaqaalaha iyo shirarka Jaamacadda Carabta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ayaa khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay.