Mudane Oomaar, ayaa sheegay in ujeedada safarkooda ay tahay sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen howlihii ay qabatay wasaaradda Duulista Hawada iyo sidii la isku dhaafsan lahaa fakradaha ku aadan amaanka Garoomada diyaaradaha.
“Waxaan ka wada hadalnay sidii loo dedejin lahaa diyaarada Kenyan Airways oo dooneysa in ay duullimaad toos ah ka bilowdo magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar.
Diyaarada Kenyan Airways, ayaa muddo duullimaad aan ku imaan magaalladda Muqdishu. Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa 29-ka bishii March ee sanadkan si toos ah u billowday.
Isku furka duulimaadka labada magaalo ee Muqdisho iyo Nayroobi ayaa ku timid heshiis ay hore magaallada Nairobi ku gaareen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.