Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha oo diiday dacwad Mareykanka ku soo oogay

644

Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei Technologies, ayaa diiday dacwad dambiyeed ay kusoo oogeen dacwad oogayaasha Mareykanka oo ku saabsan xatooyada hantida maskaxeed ee Mareykanka iyo khiyaameyn lacageeed.

Dacwaddan oo ka kooban 13 qodob ayaa waxaa Isniintii lagu diiwaan geliyey maxkamadda Federaalka Mareykanka ee New York.

Dacwad oogayaasha ayaa shirkaddan Shiinaha iyo sarkaalkeeda ugu sarreeya dhanka maaliyadda, Meng Wanzhou ku eedeeyey inay xiriir ganacsi la yeesheen Iran, ayaga oo jebinaya cunaqabateynta Mareykanka.

Huawei waxa ay sheegtay inay aad uga niyad jabsan tahay eedeymahan loo soo jeediyay.

Shirkadda Huewei ee dalka Shiinaha ayaa war qoraal oo ay soo saareen ku sheegtay in aysan jirin wax xadgudub ah oo shirkadda ama shirkadaha kala hoos imaada ay geysteen. Sidoo kale shirkadda ayaa caddeysay in aysan ogeyn wax khalad oo ay sameysay madaxa ugu sarreeya maaliyadda ee shirkadda Meng Wen Zu.

“Waxaan rumeysannahay in ugu dambeyntii maxkamadaha Mareykanka ay gaari doonaan go’aankaas oo kale” ayuu lagu yiri qoraalka

Madaxa dhanka maaliyadda ee shirkadda isgaarsiinta dalka Shiinaha ayaa lagu xiray dalka Kanada bishii December ee sanadkii hore, waxaana dacwad oogayaasha Mareykanku ay u jeediyeen eedo ay ka mid yihiin in ay jabiyeen cunaqabateyntii Mareykanka ee Iiraan oo alaab ay dalkaas ku geyeen magac kale.