Shirkadda Boeing oo isbeddel ku sameysay software-ka diyaaradaha 737 Max

686

Shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing ayaa Arbacadii daboolka ka qaaday cillad bixin dhanka Software-ka ah oo lagu sameeyay diyaaraddeeda nuuca loo yaqaan 737 Max, taas oo  baaritaan adag ay ku socdeen tan iyo burburkii diyaaraddii Ethiopian Airlines.

Shirkadda Boeing ayaa dhex maquuranyesa dhibaatooyinkii ugu weynaa ee abid soo wajaha, iyada oo cadaadis isku mid ah kala kulmeysa qoysaskii dadkii shilka ku dhintay, sharci dajiyaal iyo hey’addaha qaabilsan badqabka rakaabka adduunyada oo idil, kuwaas oo ka dalbanaya shirkadda in ay caddeyso in qalabka iskiis u haga diyaaradaha ee nuuca loo yaqaan Boeing 373 Max uu yahay mid la isku haleyn karo, duuliyuhuna uu  leeyahay tababarka loo baahanyahay si uu hadhow uu ula wareego diyaaradda haddii ay jirto xaalad degdeg ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Boeing oo ku sugan Seatle ayaa sheegay in soo bandhigtisa wax ka badalka software-ka  aysan wax shaqo ah ku lahayn shilka diyaaradda Itoobiya, shirkadduna ay isku dayeyso in ay adkeynta qalabka diyaaradda ka celiya in ay hoos u noqoto marka ay kacdo.

Shirkadda Boeing ayaa sheegtay in aysan jirin sabab ay shirkaddu dib u eegis ugu sameyso xiriirkii kala dhxaeeyay hey’adda  duulista hawada Mareykanka ee FAA.

Ku xigeenka qaybta wax soo saarka shirkadda Boeing Mike Sinnet ayaa warfidiyeenada u sheegay in shirkaddu ay sameyneyso wax kasta oo ay awoodaan si aysan u dhicin dhacdooyinkii hore oo kale.

Hey’adda duulista hawada Mareykanka ayaa meesha ka saartay in ay ansaxin ama dib u eegis ku sameysay wax ka badalka lagu sameeyay software-ka diyaaradaha 737 Max.

Xoghayaha gaadiidka Mareykanka Eliane Chao iyo qaar ka mid sharci dajiyaasha Mareykanka ayaa calaamatu su’aal dul saaray sababta aysan diyaaraddu  ugu baahan qalab dheeri ah oo dhanka badbaada ah taas oo laga yaabi lahaa in ay ka hortagto shil yimaada.

Dhanka kale maamulayaasha shirkadaha diyaaradaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday shirkadda Boeing, hase ahaate waxay doonayaan in hey’addaha ku shaqada leh badqabka ay marka hore ansixayaan.

Shirkadda Boeing gaar ahaan nuuca loo yaqaa 737 Max ayaa wajahay qaadacaad iyo hakin ka dib markii labo diyaaradood oo nuuca loo yaqaanno 737 Max ay ku kala dhaceen dalalka Itoobiya iyo Indonesia. Khubaro badan oo ka hadashay sababta keentay shilka ayaa sheegay in ay tahay qalabka ku xiran diyaaradda gaar ahaan midka ka celiya in diyaaraddu hoos u noqoto oo qalqal uu ku jira, taasna ay keentay shilalka labaad ah .