Shirkadda Boeing oo dulimaadka ka joojisay diyaarada 737 MAX

19
Shirkadda diyaaraha samaysa ee Boeing ayaa gabi ahaanba dulimaadyada ka joojisay diyaarada nuuceedu yahay 737 MAX 8 and 9s. Sawirka: Google

Shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing ayaa gabi ahaanba adduunka ka joojisay in ay duulaan diyaaradaha nuuca Boeing 737 Max kaddib markii caddeyn cusub ay ka soo baxday baaritaanada laga wado goobta ay ku burburtay diyaaraddii shirkadda Ethopian Airline.
Shirkadda Boeing ayaa sheegtay in diyaaradaha nuuca 737 Max oo tiradooda gaareyso 371 la joojinayo in ay sameeyaan duulimaad danbe. Shirkadda ayaa kaddib markii ay wada tashi la yeelatay heyaddaha duulista iyo tan badqabka gaadiidka ee Mareykanka waxay go’aansatay in aan wax duulimaad ah lagu sameeyn diyaaradaan.

Hey’ada duulista hawada ee Mareykanka oo horay uga cago jiideysay in ay fariisiso diyaaradaha nuucoodu yahay Boeing 737 ayaa sheegtay in caddeyno laga helay goobta shilku ka dhacay iyo xoggo sateliteka ay keeneen in la joojiyo dulimaadyada diyaaradaha nuucoodu yahay Boeing 737.
Diyaaraddaan oo ka tirsaneyd shirkadda Lion Airline ayaa horay ugu dhacday dalka Indonesia bishii Oktoobar ee sanadkii hore, iyada oo ay ku dhinteen dad gaaraya 187 qof. Shilkii Axaddii ka dhacay dalka Itoobiya ayaa keenay in dalal badan ay amraan in gabi ahaanba la hakiyo ku duulista diyaaradda nuuceedu yahay Boeing 737 kaddib labo shil oo ka kala dhacay Itoobiya iyo Indonesia.

Shirkadda Boeing 737 ayaa wali ku adkeysaneysa habka dhimeedka badbaado ee diyaaradda, hase ahaate waxay sheegtay shirkaddu in go’aankaan loo qaatay taxadar iyo feejignaan dheeri ah dartood.

SHARE