Kismaayo – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland ka furmay shirka Wasiiradda Maaliyadda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe ” ayaa si ramsi ah u furay shirka. Shirkaan ayaa lagu gorfeyn doonaa maaraynta miisaaniyada dadweynaha iyo hannaanka deyn cafinta dalka.
Shirkan oo wajigii 3aad ah ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiiradda Maaliyadda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo socon doono labo maalin ayaa filayaa in berri oo Axad ah galinka dambe la soo gabagabeyo sidoo kalena war-murtiyeed laga soo saaro.