Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dawlad Goboleeyada dalka oo Kismaayo ka furmay

862
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda Maaliyadda dowlad Goboleedka dalka.

(UM) – Waxaa saaka ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland Shirka Wasiiradda Maaliyadda ee Maamul Goboleeyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi la socda oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa saaka daahfuray shirkaan oo socon doono hal maalin.

Shirkad Wasiiradda Maaliyadda dowlad Goboleedka dalka ayaa waxa looga hadlayaa, Horurmarinta, iyo middeynta Canshuuraha dalka ee heer Gobol iyo heer Federaal.

” Soomaaliya Kheyraadkeedu waa xabiibi, waana uu nagu wadda filanyahay. Soomaali oo dhan waa in ay isla shaqaysaa , si aan uga faa’iideysano Kheyraadkeena”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shirka ka hadlayay.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda ee Maamul Goboleeyadda dalka uga furmay magaalada Kismaayo ayaa la filaaaa in isla maanta la soo gabagabeeyo,  lagana soo saaro warmurtiyeed.

Ummadda Media Online

Shirka Wasiiradda Maaliyadda ee Maamul Goboleeyadda Soomaaliya oo Kismaayo ka furmay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda Maaliyadda dowlad Goboleedka dalka.

SHARE