Shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Dhexe iyo M/Gobaleedyada oo ku soo xirmay Kismaayo

1066

Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyadda dalka ka jira kaasi oo labaddii maalmood ee aynu soo dhaafay ka soconayay magaaladda Kismaayo ee Xarunta  gobalka Jubbada Hoose, ayaa  la soo gabagabeeyey maanta oo Tallaado ah.

Shirka wasiirada Maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada  ayaa Arrimaha sida wayn looga hadlayay waxaa ka mid ahaa  Dhaqaalaha Soomaaliya  iyo sidii loo  mideyn lahaa guud ahaan Canshuuraha dalka.

Shirka ayaa waxaa  laga soo saaray dhowr qodob kuwaasi oo warbaahinta ay heshay Qaar ka mid ah.

Qodobada shirka magaalada Kismaayo, laga soo saaray waxaa ka mid ah:-

1- waxay xoojiyeen qodobada Shirkii ugu horreeyey ee Wasiiradda Maaliyadda ay ku  yeesheen magaaladda Garoowe bishii 3 November 2017, kaasi oo lagu aas-aasay madasha Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyadda iyo Dowladda dhexe, iyaggoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Xiriirka ay leeyihiin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo sare u qaadida hufnaanta maamulka maaliyadda dalka.

2- waxay isku dhiiri geliyeen in la helo lagana wada shaqeeyo wadiiqo isku furnaan ganacsi ah.

3- waxay isla garteen in mideynta cashuuraha dalka uu dhiiri gelin xooggan u yahay cirib tirka caqabadaha kala xirnaanta ganacsiga maamul goboleedyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa boggaadiyey qabsoomida shirarka noocaan oo kale ah, isagoo xusay in horumar ballaaran Dowladda Soomaaliya in ay  ka sameeysay mideynta canshuuraha dalka.