Shirka wadatashiga Qaran oo wali ka socda Garowe

622

Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ka socda maalihii shanaad shirka wadatashiga Qaran ee ay lee yihiin madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta shir guddoomiyay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo lagaga tashanayo arrimaha masiiriga u ah dalka.

Shirkaan ayaa waxaa looga arrinsanayaa arrimo dhawr ah oo ka mid yihiin khilaafka ka dhexeeya dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Waxaa sidoo kale lagu gorfeynayaa arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka dib u eegista Dastuurka iyo dib u habaybta arrimaha amniga dalka.