Shirka Wadatashiga Qaran oo wali Garowe ka socda

46

Garowe – Waxaa magaalada Garoowe ka soconaya maalintii labaad Shirka Wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyda iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo uu shalay furay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu gorfeeyanaa arrimo dhawr oo ay ugu muhiimsan yihiin xal u helidda khilaafka ka dhex taagan madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale looga arrinsanayaa arrimo xeerka doorashooyinka dalka, dastuurka Ku meel gaarka ah, xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka.

SHARE