Baydhabo – Waxaa maanta magaalada Baydbabo ee xarunta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed ka furmay Shirka wadatashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirkaan wadatashiga ku saabsan qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirkaan iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyadda.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.
Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka watashiga Isgaaraiinta Wasaaraha dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan oo shirka si ramsi ah u furay ayaa ka hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda iyo waxyaabaha laga filanayo gabagabada shirka.
Wasiir Canshuur ayaa sheegay in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir wadashayn la yeelato Wasaaradaha isgaarsiinta dowlad Goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wasiirada isgaarsiinta dowlad Goboleedyada dalka iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa magaalada Baydbabo socon doono muddo saddex cisho ah.