Shirka wadatashiga Horumarinta Af-Soomaaliga oo Muqdisho ka furmay

1187

Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirka wadatashiga horumarinta Af-Soomaaliga. Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, isla markaana ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano ka socday Dowlad-Goboleedyada dalka.

Shirkaan oo socon doono muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa daah-furay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddiga loo xilsaaray dib-u-eegista Afka Soomaaliga.

Guddoomiyihii hore Baarlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wasiirka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay goobta.

“Maasha’Allah, Af-Soomaaligu waa midka aan Qaniga ku nahay, isla markaana xoojinaya midnimadeena iyo horumarkeena”. Ayuu yiri wasiir Beyle oo ka hadlayay munaasabadda.

Guddiga dib-u- eegista Afka Soomaaliga ayaa dhawaan la magacaabay si ay Afka- Soomaaliga dib-u- eegis ugu sameeyaan, sidoo kalena wadatashiyo lagu hormarinayo bulshada u la soo samayn lahaayeen.