Shirka Wadatashiga DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

709

Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirka Wadatashiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaan diirada lagu saari doono sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

Shirkaan Wadatashiga ah ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimaha Doorashooyinka dalka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.