Shirka Wadatashiga arrimaha Doorashooyinka oo la filayo inuu Muqdisho ka furmo

842

Muqdisho – Waxaa xarunta Teendhada ama xarunta Afisiyooni ee ku taalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka furmay shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray goordhawayd teendhada Afisiyooni ayaa oo ay weheliyaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan goobga shirka.

Shirkaan ayaan waxaan wali imaan Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biya diidaya ka qeybgalka shirka.

Lama oga in shirka ay ka baaqan doonaan iyo in ay gadaal uga soo biiri doonaan.