Shirka ururka iskaashiga islaamka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

650

Muqdisho (UM) – Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirka oo saaka furmay ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id oo uu qabtay warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in qodobada shirka ka soo baxay ay ugu muhiimsanayd xoojinta midnimada Soomaaliya iyo madax bannaanideed iyo in arrimaha amniga iyo in taageero joogta ah la siiyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirka saaka furay ayaa sheegay in shirkaan lagu qabto Soomaaliya ay marqaati u tahay isbeddelka ka socda dalka.

Shirkaan ayaa ah kii ugu horreyay oo lagu qabto Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.