Muqdisho (UM) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 27-ka bishaan Octoober 2018 lagu qabanayo magaalada Muqdisho shirkii 43-aad ee Ururka Iskaashiga Islaam-ka.
Wafuud ka kala socota dalalka xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa qeybtooda hore ay maanta soo gaareen, halka qeybta kale ay berri imaan doonaan, si ay uga qeyb galaan shirka, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa martigelin doonta kulankan markii ugu horeysay iyadoo la tixraacayo qaraarada Shirwaynaha 44-aad iyo 45-aad ee wasaaradaha arrimaha dibedda, oo lagu qabtay Abidjan, Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh..
Qodobadda shirkaan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa dhinayadda amniga, nabadda iyo sidii Soomaaliya looga abuuri lahaaa jawi xasilooni oo dhinac walba ah.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalkii ugu horeeyay ee aasasay ururka iskaashiga Islaamka, waxaana door muhiim ah ay ka qaatay howlaha uu qabtay ururka.


























