Shirka tubaha Qaranka oo looga hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo amniga

793

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho shirka toddobaadlaha ee Tubaha Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaa oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay arrimaha tubaha horumarinta dhaqaalaha, amniga & caddaaladda.

Sidoo kale ayaa shirka looga hadlay sameynta Hey’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyoKuwa Dhexe.

Kulanka ayaa dhanka kale looga hadlay heerka ay marayso diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hawlwadeenna Xukuumadda ayaa shirkaan ka soo qeybgalay.