Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in laga yaabo in ay isaga baxdo shirka lagu wado in ay la yeelato Donald Trump haddii uu Maraykanku ku adkaysto in ay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka ah.
Shirka aadka looga dhursugayo ee Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo 12 bisha June, ee soo socota sida horay uu u shaaciyay madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo ay caro ka muuqato islamarkaana war soo saaray ayaa sheegay in Maraykanku uu soo jeedinayo hadallo ka fiirsi la’aan ah oo niyad xumo ah.
Wuxuuna toos farta ugu fiiqay John Bolton oo ah lataliyaha ammaanka qaranka.
“Ma qarinno dareenkanaga iyo sida aan uga xunnahay ninkaas,” ayuu yiri Kim Kye-gwan.
Heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray in ay kulmaan Trump iyo Kim ayaa imaanaya iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in ay ka go’antahay in nukliyeerka laga cirib tiro gacanka Kuuriya.
Ma cadda waxa ay arrintaasi si toos ah ooga dhigan tahay, laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa warbahinta ajaaniibta ku martiqaaday in ay goobjoog ka noqdaan marka ay soo xirayso goobta ugu wayn ee ay hubka nukliyeerka ah ku tijaabiso bishan dhammaadkeeda.
Bolton ayaa dhawaan sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay raaci doonto “qaabkii Liibiya” ay u martay hub ka dhigista nukliyeerka.
Laakiin arrintaas ayaa dareen ku dhalisay Pyongyang oo la socotay sidii jabhadaha ay reer galbeedku taageerayeen ay u dileen kornayl Mucamar al-Qadafi sannado uun ka dib markii uu hubka nukliyeerka ah wareejiyay.
Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa haddaba ka jawaabay hadalada kasoo baxaya dowladda Waqooyiga Kuuriya.
Trumo, waxaa uu sheegay in wali uu Ku adkaysanayo dalabkooda oo ahaa in Kuuriyada Waqooyi ay ka doonayaan inay gacanka Jaziirad u ekaha Kuuriya mid ka caagan hubka Niyukleerka.
Shirka waxaa la filayaa inuu ka dhaco Jaziirada Singapore taasi oo labada dhinac isla aqbaleen inay Ku kulmaan, sida Trump bartiisa Twitter-ka kaga dhawaaqay 6-maalmood ka hor.
The highly anticipated meeting between Kim Jong Un and myself will take place in Singapore on June 12th. We will both try to make it a very special moment for World Peace!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) May 10, 2018