Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un, kuwaasi oo isku arkay shir-madaxeedka Taariikhiga ah oo ka dhacay dalka Singapore.
Labada hogaamiye ayaa shir gaar ah oo aan cidina Ku wahlin yeeshay ka hor inta aan kusoo biirin shirka wafoodda laba dhinac.
Hogaamiyaashan ayaa si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la sameeyay hormar bilow ah.
Trump ayaa wax yar ka hor shir-madaxeedka sheegay in Washington iyo Pyongyang ay qaateen kulamo gogal xaar ah kuwaasi oo ku dhamaaday si wanaagsan .
Kim ayaa wariyeyaasha u sheegay in haddii kulankiisa Trump laga gaaro heshiis ay Singapore gali doonto Taariikhda.
Waa markii ugu horreysay oo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka oo weli xukunka haya.
Washington ayaa rajeyneysa in shir-madaxeedkan uu keeno mid u gogal xaaraya in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.