Shirk u saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqeynta hey’addaha dawladda ee dhanka xuduudaha ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka kala socday hey’addaha iyo wasaaradaha dawladda sida Booliiska, xeer ilaalinta, wasaaradda amniga iyo xubno kale ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hey’adda socdaalka gaar ahaan laamaha ka hawl gala bar xuduudyada dalka laga soo galo sida xad dhuleedka, garoomada diyaaradaha iyo dekadaha.
Shirkaan ayuu sheegay agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi in uu yahay shir isku xirid hey’adaha ay u khuseeyso sida booliiska ,xeer ilaalinta iyo laamaha kale ee dawladda ee ay taaban karto ama xiriir la leh hubinta nabadgalayada baraha dalka laga soo galo.