Shirka Saaxiibada caalamka iyo Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

552

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho shirka saddex biloodlaha ah ee Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamka.

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoominayay sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wakiillada Beesha Caalamka ee shirka ku sugnaa warbixin ka siisay dadaalka iyo guulaha ay ka gaartay Dowladda Federal Soomaaliya isbadalka Maaliyada iyo arrimaha amniga, Doorashooyinka iyo dib u soo kabashada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiradda Maaliyadda, Qorsheynta Qaranka iyo xaafiisyada dib u habaynta ciidanka.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Safiirada Caalamka ee Soomaaliya u jooga ayaa loova hadlay horumarka laga sameeyay hannnanka dib u habaynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka, amniga iyo Doorashooyinka.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dalku uu marxalad cusub oo dhanka siyaasadda iyo Doorashooyinka ah uu galay.