Shirka madasha Shiinaha iyo Afrika oo maanta ka furmay magaalada Beijing

812

Magaalo madaxda dalka Shiinaha ee Beijing, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa ka furmay shirkii toddobaad ee madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Shirkan oo saddexdii sanaba hal mar la qabto, waxaa sannadkan cinwaan looga dhigay: ‘Afrika iyo Shiinaha: wadajir in loo qaabeeyo bulsho xooggan, oo leh mustaqbal wadaag ah, kaasoo ku dhisan iskaashi faa’iido u leh dhinacyada’.

Madaxweynaha Shiinaha ee dalkiisa uu martigelinayo shirka Xi Jinping,ayaa furay shirka maanta oo Axad ah 3-September 2018-ka, waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha dalalka Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xi Jinping, in Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh,isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay mira dhalka qodobada la isku afgarto ee ka soo baxa shirka.

“Waannu ixtiraamnaa Afrika,Waannu jecel nahay Afrika,waanna taageernaa Afrika,” ayuu ku yiri madaxweyne Xi,Khudbaddiisa furitaanka shirka uu ka jeediyay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo shirkan ka qeyb galaya ayay maalin ka hor kulan yesheen Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka oo labo maalin socon doona ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Maxay tahay ujeedada Shirka Madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika?

Golaha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo la asaasay sannadkii 2000, waxay ujeedada ka dambeysey ahayd sidii Shiinuhu xiriir diblumaasiyadeed iyo mid ganacsi oo xooggan ula yeelan lahaa Afrika.

Qorshaha Dowladda Shiinaha ayaa ahaa in Afrikaanka loola macaamilo hab ka duwan qaabka Reer Galbeedka, iyadoo dhammaan masaalixda Shiinaha loo marayo jidka wadahadalka iyo diblumaasiyadda, wax xadgudub ahna aan loo geysaneyney siyaasadda gudaha iyo madaxbannaanida dalalka Afrika.

Shiinaha ayaa labaatankii sano ee u dambeeyey ahaa suuqa ugu weyn oo Qaaradda Afrika wax kasoo iibsato, taas oo Shiinaha ka saacidday in uu noqdo quwadda labaad ee hoggaamisa dhaqaalaha dunida.

Dakhliga ganacsiga labo geesoodka ah ee Shiinaha iyo Afrika ayaa sannadkii 2000 ahaa $10.6 bilyan. Tiradaas ayaa 16 laab korortay sannadkan 2018, iyadoo gaartey $170 bilyan.

Shirkii kan ka horreeyey oo sannadkii 2015 lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballanqaaday in dalkiisu lacag dhan $60 bilyan ku maalgelin doono Afrika