Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

632

Muqdisho: Waxaa maanta ka furmay magalaada Muqdisho shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkaan oo hal maalin ah ayaa waxaa loga hadlayaa arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020-2021, amniga iyo horumarka laga sameeyay dhaqaalaha.

Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya James Swan, wakiilada beesha Caalamk.

Madaxda dowlad Goboleedyada iyo qaar ka mid Wakiilada beesha caalamka ayaa alaada Zoom-ka ee Internet-ka uga qeybgalaya Shirka.

Shirka ayaa marka la soo gabagabeeyo la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabibii lagu gorfeeyay iyo meesha loo socdo.