Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

357

Muqdisho – Shirka caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Parternish Forum) ayaa maanta si ramsi ah uga furmay maanta magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa si wadajir u furmay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera. Shirkaan ayaa socon doono muddo labo maalmood ah.

Shirka oo daba socda shirarkii calaamiga ahaa ee horey lagu qabtay magaalooyinka Brussels,  Copenhagen iyo London ayaa diirada lagu saari doonaa caqabadaha, fursadaha, arrimaha amniga,  la dagaalanka saboolnimada, arrimaha biniaadanimada, doorashooyinka Qaranka ee 2020/21, deyn cafiska Soomaaliya iyo dib u habaybta hannaanka Maaliyadda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa berri la filayaa in ay hadal ka jeediyaan Madasha soona xiraan. Waxaan shirkaan ka soo qeybgalin dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Putnland.

Amaanka caasimadda magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo waddooyinka muhiimsa ah ee magaalada la xiray.

Shirkaan oo labo maalmood ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo.

SHARE