Shirka Jaamacadda Carabta oo Damaam ka furmaya (Sawiro)

1124
Cabdifataax Elsiisi, madaxwaynaha dalka Masar oo ka mid ah madaxda dalalka Carabta ee gaaray magaalada shirka uu ka furmayo ee Damaam ee dalka Sacuudi Carabiya (Saudi Gazette)

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shir madaxeedka 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa la qorsheeyay in diirradda lagu saaro qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha dowldda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ka qeyb-galaya shirkaasi maanta ka furmayo Magaalada Dammaam.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu-wadaa inta shirkan uu socdo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya,isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga danaha guud .

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ka mid ah madaxda dalalka Carabta ee magaalada Damaam gaaray ka hor furitaanka shirka (Xuquuqda Sawirka Saudi Gazette)

Madaxwaynasha dalalka qaybta ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa Ku qulqulaya magaalada Damaam ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya si ay uga qayb galaan shirka Jaamacadda Carabta.

Madaxwaynaha dhowaan la doortay ee dalka ugu dadka badan dalalka Carabta ee Masar Cabdulfataax Elsiisi ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda magaalada Damaam gaaray.

Cabdifataax Elsiisi, madaxwaynaha dalka Masar oo ka mid ah madaxda dalalka Carabta ee gaaray magaalada shirka uu ka furmayo ee Damaam ee dalka Sacuudi Carabiya (Saudi Gazette)

Sida ay Ku waramayso warbaahinta Saudi Gazette, waxaa shirka loo xiray dhammaan iskuulada ku yaala magaalada Damaam.

Madaxda shirka ka qayb galaysa waxaa ka mid ah

Madaxwaynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi,  madaxwaynaha dalka Ciraaq Maxamed Fuad Masum, Madaxwaynaha dalka Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi, Madaxwayne Ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul wasaaraha iyo Amiirka    Dubai Sheekh Maxamed bin Rashid Al Maktoum, Madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan  Al-Bashir, madaxwaynaha maamulka Falastiin  Maxamuud Cabbas, madaxwaynaha dalka Tunisia Béji Caid Essebsi, Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Golaha wasiirka Saldanadda Cumaan Fahad Bin Mahmoud Al-Said, Madaxwaynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, Madaxa Dowladda dib u heshiisiinta Qaran ee dalka Libya Fayez Mustafa Al-Sarraj, Madaxwaynaha Jaziiradda  Comoros Azali Assoumani, Afhayeenka ama Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalka Algeria Cabdilqadir  Bensalah, madaxwaynaha dalka Lebanon  Michel Aoun iyo  Madaxwaynaha dalka Mauritania  Maxamed Ould Cabdul Asiis.