Magaalada Istanbul, ee xarunta ganacsiga dalka Turkiga, ayaa maanta Waxaa ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadaan dalalka Islaamka oo Ku midaysan ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Shirkan deg degga ah oo dowladaha Caalamka Islaamka ay kaga hadleen go’aankii madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald trump uu magaalada Qudus, ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Hogaamiyaasha dunida Islaamka, oo shirka ka qayb galay waxaa ka mid ah Boqorka dalka Sacuudiga boqor Salmaan binu Cabdulasis al-sacuud, madaxwaynaha Iiraan Xasan Rowxaani, madaxwaynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, boqorka dalka Urdun/Jordan, ahana u adeegaha masjidka barakaysan ee Qudus oo loo yaqaano Al-Xarul Sharif, madaxwaynaha Bulshada Caalamka Islaamka ay u arkaan inuu yahay hogaamiyaha Bulshada Muslimiinta ee Raccep Tayyip Erdogan iyo hogaamiyaal fara badan.
Shirka ayaa waxaa si deg deg ah hogaamiyaasha dalalka Islaamka isugu wacay madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan, ka dib go’aankii madaxwaynaha Maraykanka Donald trump 6-dii bishan December magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Xoghayaha guud ee ururka Iskaashiga Islaamka oo shirka bilowgiis ka hadlay ayaa hogaamiyaasha dalalka Islaamka shirka ka qayb galayay inay go’aankii Trump ay ka qaataan go’aan go’aan dunida Islaamka ay u dhan tahay.
Madaxwaynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abuu Maasin, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in go’aankii trump uu ahaa mid dhawacay mustaqbalka Falastiiniinta.
Waxaa uu sheegay in Maraykanka uu cadaystay inuusan dhexdhexaad ahayn waanwaanta nabadeed ee Israel iyo Falastiin islamarkaana wada hadal uusan dhici karin illaa Maraykanka uu kaga laabto go’aankesda Ku aadan magaalada Qudus.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed looga hadlayay waxyaabihii ay go’aamiyeen madaxda Caalamka Islaamka.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee warmurtiyeedka Ku qoran waxaa ka mid ah inay dowladaha Caalamka Islaamka ay Barriga magaalada Qudus u aqoonsadeen inay tahay Caasimadda Falastiin.
Goor dhow filo khubadbadaha ugu muhiimsan ee ay madaxdu ay shirka kasoo jeediyeen