Muqdisho (UM) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo uu shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin hab-raaca heshiisyada caalamiga ah iyo hawlaha Xukuumadda u qorshaysan ee la doonayo in la fuliyo sannadka 2019.
Waxa aan maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo aan uga hadalnay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin hab-raaca heshiisyada caalamiga ah iyo hawlaha hor-tebinta leh ee la doonayo in la fuliyo sannadka 2019.#NabadIyoNolol #TubahaQaranka pic.twitter.com/vxpPAFqCVJ
— Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) January 24, 2019
Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale looga hadlay xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee xuduuda Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan ciidamada Kenya ay burburiyeen.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hawl waddeennada Xukuumadda.