Muqdisho (UM) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta dowlad goboleedka Puntland ee Garowe. Ra’iisal Wasaare Xasan Cali kheyre oo maalmahaan ku sugeynaa magaalada Garowe ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiiradda.
Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda ayaa waxaan ka qayb galay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xiggeenka Puntland, iyaddoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaaradaha dowlada federalka Soomaaliya iyo puntland, halkaas, iyadadoona lagu soo bandhigay baahiyaha ka jira deeganada puntland iyo mashariicda kale duwan ee laga fulin karo, taas oo lagu horumarinayo arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo amniga.
Shirka Golaha Wasiiradda ayaa markii ugu horresay lagu qabtay xarunta dowlad goboleedka Puntland ee Garowe.