Shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo shalay u baaqday arrimo farsamo ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo e xaruunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.
Shirka oo socon doona muddo saddax bari ah ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Ajandayaal dhawr ah ayaa la filayaa in shirka lagu lafo guro sida xiriirka maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka, dhamaystirka dastuurka qabyo qoraalka a, doorashooyinka la qorsheynayo in ay qabsoomaan, iyo waliba arrimo la xiriira garsoorka iyo daba gal la xiriira heshiiyadii ay horay u kala saxiixdeen dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa wararka qaar tilmaanayaan in ay dooran doonaan xoghayaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo hadda uu hayo madaxweynaha Puntland oo ku xigeen u yahay madaxweynaha Hirshabelle. Madaxweynaha Puntland ayaa wajahaya tartanka doorashada madaxtinimo oo ka dhaceysa maamul goboleedka Puntland.
Maamul goboleedyada iyo dawladda federalka ayuusan dhawaanahaan xiriirkodu fiicneyn , gaar ahaan maamulka Jubbaland oo dawladda federaalka ku eedeeyay in ay farogalin ku heeysa arrimaha gudaha Jubbaland.