Shirka Golaha Amniga Qaranka oo dib u dhac ku yimid

780

Mogadishu (UM) – Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu wadday in uu maanta ka furmo Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemeynin qabanqaabo ku aadan soo dhaweynta Madaxda iyo sidoo kale Shirka intaba.

Shirkii u dambeeyay ee Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay bishii February magaalada Muqdisho waxaa lagu balamay in shirka soo socda uu ka dhaco Baydhabo, lagana wada hadlo Qeybsiga kheyraadka iyo hanaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo sanadka 2020.

Golaha ayaa ka kooban Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxa ayna Magaalada ay ku kulansan yihiin tagaan Maalin kahor waqtiga shirka uu dhaco.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Risaala u xaqiijiyay in sababta ay tahay Arrimo ku saabsaan Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ee uu dalka galay ayaa curyaamiyay dhamaan howlihii hey’adaha dowladda, iyadoo xubnaha Golaha Wasiirada ay si toos ugu lug yeesheen khilaafka, markii ay ka soo muuqdeen shirarka iyo abaabulada mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahday Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ka dib markii  uu Khilaaf soo gala dhex galay Xildhibaanada Golaha Shacabka.