Waxaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland shirka dib eegista arrimaha Dastuurka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa daah-furay shirka dib u eegista arrimaha Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada howshan ku lugta leh waxaa uu Madaxweynahu sheegay in khilaafka la xiriira awoodaha uu jirayo inta Dastuurka dalku uu qabyada yahay in la dhamaystirana ay lagama maarman tahay waxaa uu intaas ku daray in Barnaamijkan ay tahay in Soomaalida iyo dadka aan maslaxadooda u ordaynin loo daayo si wax miro dhal ah ay uga soo baxaan kala fikir duwanaantana lagu xaliyo si wadar ogol ah.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ay masuuliyad ka saaran tahay howshan loona baahan yahay in dhabarka loo rito si Dowladaha iman doona aanay iyaguna dhamaystirkiisa waqtigii loogu talagelay loo dhamaystiro.
Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqabiyay wasaaradda arrimaha Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib eegista Dastuurka.