Dhuusamareeb – Waxaa si rasmi ah ugu Furmay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug Shirka Wadatashiga ee u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasi oo looga arrinsanayo khilaafka ka ka taagan arrimaha Doorashooyinka 2021.
Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shirka sidoo kale ka qeybgalaya.
Shirkaan maanta furmay oo dib uga dhacay jadwalkii hore ee 1ad bisha inuu furmo ahayd ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Doorashooyinka iyo muranka taagan hannnaanka hirgelinta doorashada 2021 iyo Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.