Shirka dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

649

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta soo xiray shirkaan oo labo maalmood socday kaasi oo diirada lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta iyo sida ay muhiim u tahay.

Ra’iisul Wasaare Kheyr oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dowladnimada.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.