Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels lagu soo gaba gabeeyo shirka arrimaha Soomaaliya, kaasi oo shalay uu halkaasi ka furay Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada, Bulshada rayidka iyo wadamada daneeya rimha Soomaliya ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada Soomaaliya.
Shirka maanta ayaa ah mid ka duwan midkii hore ee shalay, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyada oo ugu dambeyn laga soo saaari doono war-murtiyeed.
Waxaanu geli doonaa qeybta weyn ee shirka oo uu furi doono Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaa kaloo shirka barbar socda shir looga hadlayo barakacayaasha, ganacsiga iyo haweenka doorka ay ku leeyihiin amniga, shirka si fiican ayuu u socdaa.” Ayuu yiri R.W Kuxigeenka dalka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad indhaha ugu haya shirka ka socda magaalada Brussels, waxaana ay filayaan inay ka soo baxaan qodobo guul u ah Soomaaliya.