Shirika dowladaha Khaliijka oo la soo gebagebeeyay

1075

Shirka dowladaha Khaliijka oo maanta ka furmay Caasimadda dalka Kuwayt ayaa la soo xiray maalin ka hor waqtiga la rajaynayay in lasoo xiro.

Shirka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhaca tan iyo intii khilaafka uu ka dhex dilaacay dowladaha Khaliijka Carabta bishii June ee sanadkan.

Shir madaxeedka GCC, ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Ammanka iyo dhaqaalaha gobalka, inkastoo shirka uu ahaa mid albaabada ay u xiran yihiin.

Dowladda Sacuudiga ayaa shirka u dirtay wasiirka Arrimaha Dibadda badalkii ay u diri lahaayeen qof ka tirsan Qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayadoo Baxrayn ay u dirtay wafdi heerkiisa uu liitay.