Shirar looga hadlayay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Washington

679

Washington – Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa lagu soo gabagabeeyay shirarkii Sanadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

Shirarkaan ayaa waxaa ka qeybgalay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa shirarkaan intii ay socdeen diirada lagu saaray arrimaha deyn cafinta Soomaaliya iyo dib u habaybta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wafdi Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wayn ma muujiyay in horumar fiican laga gaaro arrimaha deyn cafiska Soomaaliya.

“Waxaan ka qaybgalnay kulan dhexmaray ururka ay ku bahoobeen madaxda Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass oo ay wehlineysay Agaasimaha Hey’adda IMF Kristalina Georgieva” ayuu yiri Wasiirka

“Waxaan Wasi weyn u bogaadiyay sida ay ugu heelan yihiin Afrika iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan taageerada Bangiga Adduunka iyo IMF ee ku aaddan dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya”. Ayuu yiri wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay mar uu ka hadlayay toddobaadkaan Barnaamijka uu ku caasumaay Machadka Brookings ee magaalada Washington inuu rajaynayo go’aanka deyn cafinta Soomaaliya bisha Febraayo ee sanadka 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadadaal wayn ugu jirta sidii adduunku uga cafin lahaa deymaha faraha badan ee uu ku leedahay taasi oo gaaraysa 5 Bilyan oo dollaar Mareykanka ka ah.