Shir wadatashi oo ku saabsan amniga oo Muqdisho ka furmay

718

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir wadatashi oo ku saabsan arrimaha amniga gudaha.

Shirkaan wadatashi ee maanta furay ayaa lagu fallanqeyn doonaanaa qorshaha istaraatiijiyada qaranka ee hortaga walxaha qarxa.

Shirkaan ayaa waxa furay wasiirka amniga gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow, isagoo sheegay in Shirkaan looga wadatashan doono qorshaha istaraatiijiyada qaranka oo ay hormuudka tahay Wasaaradda amniga gudaha.

Shirka wadatashiga oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Taliye Ku xigeenka ciidanka Boliiska, la taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin ka socday Hey’addaha dowladda Federaalka.