Shirka khubarada tamarta waarta ee ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Dowlada Soomoaliya oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Mioobay u qaalisal horumarinta Mashaariicda ee UNDP.
Ujeedada shirkan ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudban in maalgashi lagu sameeyo tamarta dalka Soomaaliya
Waxaa ay ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan QM oo uu ka mid yahay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Furitaanka shirka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka biyaha Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka howlaha guud Mudane Saadiq, C/llaahi Cabdi iyo xubnaha labada aqal gaar ahaan gudiyada dhanka Khayraadka,ganacsato iyo Wasiirada kale ee Dowlada Goboleedyada.
Shirkan oo socon doono muddo labo maalmood ah ayaa inta uu socdo lagu lafagurayaa sida ugu sahlan ee loo maalgelinkaro Tamarta Dalka uu leeyahay,iyadoo sidoo kale ay goob joog ka yihiin qubaro ka socoda QM ee dhinaca khayraadka.