Kullankan oo looga hadlayo dib u eegista Dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa la sheegay inuu magaalada Baydhabo ka socon doono muddo Saddex maalmood ah.
Waxaa shirka soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midda Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada dalka,Wakiilo ka socday Hay’adda Wadahadalka iyo dib u heshiisiinta ee CRD iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada furitaanka shirka.
Ku simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Wasiirka Amniga Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo shirka furay ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo natiijada ka soo baxda shirka, Bulshadana ku qanci doonta.
C/llaahi Sheikh Xasan Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay madasha ayaa sheegay iney shirka ku marti qaadeen cid kasta oo mas’uul ah iyo ururada Bulshada rayidka si su’aalo Ku saabsan Arrimaha dastuurka loo waydiiyo Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada kale ee maamul Goboleedyada ka socda ee shirka qeyb galaya.
C/llaahi Sheekh Xasan, wasiirka Dastuurka maamulka KG Soomaaliya ayaa tilmaamay in Wasaaradda dastuurka at u baahan tahay talada dadka, dadkana ay u baahan yihiin iney ogaadaan waxay Wasaaradda ka shaqeyso.
Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in loo baahan yahay in dastuurka la gaarsiiyo dadka ku sugan degmooyinka,isagoona tilmaamay in haddii magaalooyinka keliya lagu hayo dad yar ay ka faa’ideysanayaan.
Wasiir Xoosh ayaa ujeedka shirka Baydhabo ku micneeyay in maadaama dastuurka uu yahay Heshiis bulsho la gaarsiiyo degmooyinka oo ay ku noolyihiin dadka ugu badan marka loo eego magaalooyinka.
Wasaaradda Arrimaha dastuurka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maal mahanba waxaa ay wadey Wada tashiyo ay la yeelaneyso cid waliba oo quseeysa hanaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya .