Shir looga hadlayo dhinaca Hormarinta oo Muqdisho ka dhacay (Sawiro)

111

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galay qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-

SHARE