Nairobi, Kenya – Waxaa maanta ka furmaya magalaada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya shirka ku saabsan dhaqaalaha badaha.
Shirkan oo saddex maalin ah ayaa looga hadlaya horumarinta dhaqaalaha baddaha, gaar ahaan harrooyinka, wabiyada ee dalalka soo koraya. Waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.
Shirkaan, waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb galayaan in ka badan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, hey’ado caalami ah, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi farmaajo, waxaana la filayaa in ay shirka ku soo bandhigto qorsheheeda dhanka maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.
Shirkaan ayaa ah kii ugu horreyay oo nuuciisa oo lagu qabto Afrika, waxaana la filayaa in dhamaadkiisa laga soo saaro qodobo muhiim ah.