Shir looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka oo ka furmaya Muqdisho

553

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmayo shir looga hadlayo Arimaha doorashooyinka Sanada 2020 kaas oo ay soo qbaan qaabiyeen Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa lagu qabanayaa Xarunta Maamulka gobalka Banaadir ee Visha Govero waxaana,iyada oo looga hadli doono sida doorasho qof iyo cod lagu gaari karo Sanada 2020-ka.

Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Maxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa waxa uu fafaahin ka bixiyay u jeedka shirka ayaa sheegay in la aruurinayo aragtida Shacabka eek u saabsan doorashooyinka Sanada 2020-ka.

Sayid Cali Sheekh Maxamed Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Maxabanaan ee Doorashada ayaa waxa uu intaa sku sii daray hadalkiisa in shirka la soo gaba gabeen doono bisha soo socota,iyada oo ay jiri doonaan kulamo kale oo lala qaadan doono Siyaasiyiinta iyo dadka waxgalka u ah Bulsahda.

Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa todobadyadii las oo dhaafay waxa ay wadeen aragti aruurin,iyada oo laga soo sameeyay deegaanada maamul goboleedyada sida Puntland, Hir-Shabeelle, koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

SHARE