Shir looga hadlayo Badqabka Suxufiyiinta ka howl gasha dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana madaxda ka qeyb gashay shirka hadal soo dhaweyn ah u jeediyey Sii hayaha wasiirka, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis.
Shirka oo wali socda ayaa waxaa Kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka JFS Mahadi Maxamed Guuleed,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yarisow, Senitor Amina Xasan Adan, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka, Madaxda UNISCO iyo hey adaha Madaxa Banaan ee warbaahinta Qaybahooda Kala Duwan.
C/raxmaan Iidaan Yoonis oo furitaanka kulanka hadlay ayaa uga mahad celiyey dhinacyada ka qeyb galay shirka sida ay u ajiibeen ka qeyb galka shirkaan iyo waqtigooda qaaliga ah oo ay usoo hureen.
Sidoo kale wasiir C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey UNISCO kaalinta muhiimka ah oo ay ku leedahay shirkaan.