Shir looga hadlayay arrimaha Maaliyadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

684

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Maaliyadda xubno ka socday Bangiga Hormarinta Afrika.

Xubnaha Wafadigan ka socday Bangiga Hormarinta Afrika (African Development Bank) oo uu hogaaminayey Sam Sakwa oo ah qabiir sare oo maamulka dhaqaalaha Bangiga ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa qiimeyn ay ku sameenayeen dib-u-habeynta Maaliyada dalka iyo hubinta heerka isku haleynta hannaanka maaliyada Soomaaliya oo sanadihii ugu danbeeyey isbadal la taaban karo laga sameeyey.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan uu kula qaatay xarunta Wasaaradda wafdigan ka socday Bangiga Hormarinta Afrika u sharaxay habka shaqo ee hannaanka maaliyadda Soomaaliya iyo meelmarinta sharuucda hagta maamulka dhaqaalaha dalka.

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah, qeybna ay ka ahaayeen masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda ay ahaayeen wasiirka ku xigeenka Cabdulaahi Sh. Cali Qaloocow ,Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ayaa wasaaradu
waxay kulanka kusoo bandhigtay hormarmaro dhinacyo badan oo ay dowladdu Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ka gaartay maamulka maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha maaliyadda aduunka.

“Wax ay u yimaadeen inay qiimeeyaan habka shaqo ee maaliyadda Soomaaliya, runtiina waxay garwaaqsadeen inaan gaarnay heerar aysan fileyn inaan gaarnay,waxaana filaa in ay la laabtaan warbixin wanaagsan ” Sidaas waxaa yiri  C/laahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada

Bangiga Hormarinta Afrika ayaa ka mid ah hay’adaha caawiya Soomaaliya kaas oo door fiican ku leh xoojinta iyo kor u qaadista dakhliga gudaha,kuwaas oo ay ugu danbeyso dib u dhiska xarumaha canshuuraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo qarkood dhawaan xariga laga jaray, sidoo kale Bangigu waxa uu ka mid yahay hay’adaha dhaqaalaha sida dhaw ugala shaqeenaya Soomaaliya sidii ay ku gaari laheydv deyn cafinta.