Shir looga hadlayay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa

549

Addis Ababa, Itoobiya – Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya shir ku saabsan dib-u-eegistii 2aad ee hannaanka deyn cafinta wajigiisa 4aad.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoona leysla qiray in aan horumar balaaran ka sameynay arimaha Maaliyadda, hannaanka geedi socodka deyn cafinta.

” Had iyo jeer waxaa naga go’an inaan ka shaqeyno mustaqbal ka dalkeena iyo dadkeena, inagoo horay usii wadidoona dadaal waliba oo guul aan ku gaari karno”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Dr. Beileh.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa lagu eegay sido kale waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya sanadkii tagay ee 2019-ka, caqabadihii la kulmay iyo waxa ay hiigsaneyso Wasaaraddu sannadkan 2020-ka.

Shirkaan ayaa u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adaha lacagta aduunka ee IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkaan ayaa waxa ka qeybgalaya wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Gamal Maxamed Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Agaasimayaasha Miisaaniyadda iyo dakhliga e wasaaradda Maaliyadda, Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee lagu leeyahay horeenta sanadkaan 2020-ka.