Shir looga hadlaayo Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ka furmay Muqdisho

618

Waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka, kaaasi oo qeybgaleen 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirka oo soconaya laba maalin ayaa waxaa si ramsi ah furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxaa uu sheegay dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada.

Waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay shir inta uu socday Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan.