Shir ku saabsan safarka iyo dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

600

Muqdisho – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho Shir ku saabsan Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya.

Shirkaan oo labo maalmood socon doono ayaa waxaa ka qeybgalaya madax kala duwan, Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Agaasimaha hey’adda dhismaha qaranka S/guud Bashiir goobbe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hey’addaha dowladda iyo kuwa gaar ah.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey furitaanka shirka ayaa sheegay in dalka uu maanta leeyahay fursado aad u badan oo dhanka dalxiiska iyo maalgashiga ah.

Shirkaan oo hal ku dhig looga dhigay” arag dhinca kale ee Soomaaliya” ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha dalxiiska iyo fursadaha maalgashi ee dhanka dalxiiska Soomaaliya.