Muqdisho (UM) – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir looga arrinsanayo istaraatiijiyada la dagaallanka musuqmaasuqa.
Shirkaan ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Hanti dhawrka Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ( Afgooye) iyadoo diira lagu saari doono wadatashiga istaraatiijiyada dagaallanka arrimaha Musuqmaasuqa.
Shirkaan oo hal maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiilo ka socda Wasaaraha dowladda Federaalka iyo xaafiiska hanti dhawrka Qaranka iyadoo la filayo in lagu fallanqeenayo la dagaallanka Musuqmaasuqa.