Shir ku saabsan horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

36

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ku saabsan horumarinta arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u dhiska.

Shirkaan oo uu ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed ayaa looga hadlay horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF).

Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha dayn cafinta, qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shirka qeybgalay ayaa deeqbixiyayaasha caalamka uga warbixiyay arrimaha hannaanka deyn cafiska iyo horumarka laga sameeyay barnaamika kormeerka shaqaalaha dowladda ee SMP loo soo gaabiyo.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay safiiradda caalamka u fadhiya Soomaaliya, Hey’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala iyo mas’uuliyiin ka socday xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

SHARE